Ciidamada dowladda KMG ah ka tirsan iyo kuwa Xarakada alshabaab ayaa waxay xalay ku dagaalameen duleedka Degmada Xudur ee gobolka Bakool, iyadoona dagaalkasi uu geystay qasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac labada Dhinac kala gaaray.
Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la sheegay in weerarka dagaalka ay qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Xarakada Alshabaab.
Guddoomiyaha Degmada Xudur Dowladda KMG Maxamad macalin oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in xalay Ciidamo ka tirsanaa Xarakada alshabaab weerar ku soo qaadeen Fariisimo Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin duleedka Xudur, islamarkaana qasaro gaarsiiyeen sida uu yiri ciidamadiis oo weeraray.
Ugu danbeyntii Magaalada Xudur waxay ka mid tahay degmooyinka dagaalada ay ku dhexmaraan ciidamada Xarakada Alshabaab iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Saraakiisha Xarakada alshabaab oo ku aadan dagaalkaasi.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com