Madaxa Warfaafinta ururka Ahlusunna Waljamaaca gobolada dhexe C/laahi Axmed Samatar ayaa ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed in ay soo doortaan Madaxweyne cusub oo dareemi kara halka dhibaatada ka heysato shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha la dooranayo waxa uu sheegay Afhayeenka in aan lagu salayn Eex iyo Qabyaalad midna, laakiin lagu soo doorto Mid dareemi kara halka dhibaatada dalka ay ka jirto.
Afhayeenka gobolada dhexe ururka ahlusunna Waljamaaca sidoo kale waxa uu sheegay in shacabka soomaaliyeed ay heystaan fursad aad u weyn loona baahan yahay inay ka faa’iideystaan oo ay doortaan Madaxweyne Cusub oo daacad ah.
Ugu danbeyntii ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa ka mid ah urur diimeedyada dagaalada ka wada gobolada Koonfurta iyo Bartamaha soomaaliya, kuwaasoo xariir aan wanaagsanayn uu kala dhaxeeyo Dowladda KMG Soomaaliya.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com