Maamulka Degmada Deyniile ee Dowladda KMG soomaaliya ayaa ku baaqay in wax loo qabto dadka Barakacayaasha ah ee ku dhibaataysan Degmadaasi.
Guddoomiyaha Degmada Deyniile Daahir Xasan Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka barakacayaasha ah aysan helin wax gargar ah, isagoo ugu baaqay hay’adaha Samafalka inay gargaaraan qoysaska Barakacayaasha ku nool degmada.
Wuxuu sheegay Guddoomiyaha inay jiraan gargaar la soo gaarsiiyey dadka Barakacayaasha ah, laakiin aysan ahayn mid ku filan marka loo fiiriyo baahida iyo Bisha lagu guda jiro oo ah Bil Ramadaan.
Sidoo kale Daahir Xasan Xuseen ayaa ugu baaqay hay’adaha Samafalka inay dadka barakacayaasha u sameeyaan goob lagu afuriyo dadka danyarta ah.
Ugu danbeyntii Guddoomiyaha Degmada Deyniile dowladda KMG hadalkan ka soo baxay ayaa imaanaya xili ay isa soo tarayaan eedeymaha loo jeedinayo Hay’adaha Samafalka ee ka howlgala dalka Soomaaliya.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com