Wasaarada Difaaca dalka ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo kuweeda ah ay ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya. Ciidamafa tiradooda lagu sheegay ilaa 10 ayuu Wasiirka didfaaca Ingiriiska uu sheegay in ay kusugan yihiin gudaha caasimadda Soomaaliya.
Wasaaraga Gaashaandhiga British-ka ayaa sheegtay in ciidamadaas aysan ahayn kuwa ka qeyb ah dagaaladda Soomaaliya laakiin si latalin ama caawin ah ay ula joogaan ciidamada Amisom.
Shaqadooda ayaa waxaa ay tahay oo kaliya la talin, daaweyn dhanka caafimaadka ah iyo taagerida xariirka
Qaar kamid ah ciidamadaas ayaa lagu arkay gudaha degmada Afgoye oo 30 KM ka baxan magaaladda Muqdisho taas oo dhawaan ay ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom Shabaab kala wareegeen.
waxaan udirnay Soomaaliya koox yar oo caawiyaal ah ciidamada Amisom. kama qeyb qaadanayaan dagaalada,” ayaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaarada Difaaca Britsih-ka
Ciidamadaas lagu arkay Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili Soomaaliya ay gashay marxalad cusub, iyadoona hada uu soconayo shirka lagu ansixinayo dastuurka qabyada ah.
Sidoo kale 20-ka Bisha August ayaa lagu wadaa in ay dhacod doorasho madaxweyne maadaama xiliga xilika dowlada uu xiligaas ku egyahay
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com