Talyaaniga iyo Masar ayaa kawada hadalay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen xal u helida dhibaatooyin ka jira dalka Soomaaliya.
Soomaalinews.com 27 Jul 12, 08:58

Dowladdaha Talyaaniga iyo Masar ayaa kawada hadalay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen xal u helida dhibaatooyin ka jira dalka Soomaaliya.

Wasiirada arrimaha dibadda dowladdaha Masar iyo Talyaaniga ayaa kullan ay ku yeesheen Magaalada Rome ee dalka Talyaaniga waxa ay kaga hadaleen sidii ay isaga kaashan la haayeen wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya.


Maxa’ed Camar Kaamil oo ah sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda Masar oo booqasho ku tagay dalka Talayaniga ayaa kullan saacado qaatay la yeeshay dhigisiisa Talyaaniga Giulio Terzi, kaasi oo ay iskula meel dhigeen sidii labada dhinac dowr muuqda ay uga qaadan lahaayeen xal u helida dalka Soomaaliya.


Labad dal ayaa soo dhaweeyay dadaallada loogu jiro ka gudbida Xilliga kala guurka ah ee la doonayo in lagu taabo galiyo qorshaha Qariidada Nabadda Soomaaliya ee Roadmap-ka, islamarkaana looga gudbayo Nidaamka Kumeel gaarnimada ah oo mudo 12ka-sano ah uu ku soo jiray dalka Soomaaliya.


Maxa’ed Camar Kaamil iyo Giulio Terzi ayaa ugu danbeyn ugu baaqay hogaamiyaasha Soomaalida in ay ka shaqeeyaan sidii dalka looga saari lahaa dhibaatooyinka uu mudada dheer ku soo jiray.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698