Saraakiisha ka goosanaya ciidamada Syria ee taageersan Bishaar Al-asad oo sii kordhaya
Soomaalinews.com 27 Jul 12, 08:56

Dowlada Maraykanka ayaa xaqiijisay in ka goosashada saraakiisha iyo diblomaansiyiinta sarsare ee dowlada Siiriya ay sii kordhayso waxii ka danbeeyay dagaalkii ka dhacay magaalada Aleppo ee dhaqaalaha furaha u ah dalka Siiriya.

Maraykanka ayaa sheegay in inka badan laba senitor oo wakiiladii Siiriyaan ee u fadhin jiray wadanka Imaaraadka Carabta iyo Cyprus ay ka goosteen taliska Madaxwayne Asad iyadoo labadaasi sarkaalna ay u goosteen wadanka Qadar kadib dagaalkii Aleppo.


Ka goosashadani xubnahani ayaa la sheegayaa inay timid kadib dagaalkii Aleppo ee dalka Siiriya taasi oo sare u qaadaysa diblomaansiyiinta dowlada Siiriya ka goosanaya.


Sidoo kale dagaalada ka socda magaalada Aleppo ayaa la sheegayaa inay dowlada Siiriya isugu gaysay kumanaan ciidamo ah si ay magaaladaaasi gacanta ugu dhigaan guudahaanteed.


Dhinaca kale xoghayaha Qaramada Midoobay Baan Kii Moon ayaa ugu baaqay wadamada caalamka inay talaabo wax ku ool ah qaado dunida taasi oo lagu joojinayo waxa uu ugu yeeray gowraca iyo dilka ka socda dalka Siiriya.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698