Japan oo ka adkaatay Xulka Spain cayaar ka tirsanayd Olompic-da aduunka
Soomaalinews.com 27 Jul 12, 08:56

Xulka wadanka Spain ayaa guuldarro aysan fillanayn kala kulantay xulka wadanka Japan cayaar ka tirsanayd koobka Olompic-da aduunka . Cayaarta ayaa waxa ay ahayd mid ay waddaageen labbada dhinac inkastoo ay Spain ku liidatay dhanka dhammeestirka oo ay fursaddo badan iska lumiyeen.


Japan ayaa gool ka heshay xiddigooda Yuki Otsu daqiiqaddii 34aad taas oo u suuro gallisay in Japan ay macsalaameeso Spain.


Gool ilaaliyaha xulka Spain David de Gea ayaa ahaa mid cayaarta si wanaagsan uga dhex muuqday isagoo qasaariyay kubaddo badan oo ay soo tuureen weeraryahanada Japan.


Sidoo kale cayaarta intii ay socotay ayaa calaamadda casaanka ah waxaa la siiyay Inigo Martinez oo u safta Spain afar daqiiqo ka hor qaybta horre ee cayaarta.


Dhanka kale caawa ayaa waxaa dhici doona cayaaro xiiso badan oo iyagana ka tirsan isla koobkaan Olompic-da aduunka waxaana cayaaraha dhici doona kamid ah.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698