Waxaa socda kulamo ay leeyihiin saraakiisha ugu sareysa ciidamada Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Burundi iyo Ugandha oo lagu dejinayo qorshaha militari ee ciidamada AMISOM ku doonayaan inay kula wareegaan magaalada xeebta ku taal ee Kismaayo.
Kulamada ugu muhiimsan ayaa ka dhacay Isniintii lasoo dhaafay iyo todobaadkii tagay magaalooyinka Nairobi iyo Addis Ababa. Halkaasi oo ay kulmeen ciidamada Kenya iyo kuwa kale ee AMISOM saraakiishooda sar sare.
Isniintii lasoo dhaafay ayey magaalada Addis Ababa ku kulmeen Sarakiisha sar sare ee ciidamada AMISOM, waxaana kulankaasi kahoreeyey kulan qarsoon oo ka dhacay magaalada Nairobi, Sabtidii lasoo dhaafay kaasi oo ay qorshahooda militari kusoo bandhigeen hogaanka militariga ee dowlada Kenya, warbixinta ka soo baxday shirkaasi Nairobi ka dhacay ayaa lagu sii falanqeeyey kulankii Isniintii ka dhacay xarunta AMISOM ee magaalada Addis Ababa.
Qorshaha militari ee ku wajahan Kismaayo ayaa la sheegay inuu noqon doono mid isugu jira weeraro dhanka cirka, dhulka iyo badda ah oo lagu qaado magaalada Kismaayo oo ah xarunta ugu weyn ee Al Shabaab gacanta ku heyso koonfurta Soomaaliya.
Kulanka ka dhacay Sabtidii Nairobi ayaa waxaa saraakiisha ka qeyb galay kamid ahaa: Gen.Karanja; Taliyaha Ciidamada Cirka Kenya, Gen.Peter Kameru; Ciidamada Beriga Kenya, Gen.Jeffo Otieno; Taliyaha Sirdoonka Militariga Kenya. Saraakiishan Kenyaatiga ah waxaa kulankooda ku wehliyey: Saraakiil ka kala socotay Ciidamada Cirka Ugandha, Ciidamada AMISOM Muqdisho iyo Saraakiisha Militariga Kenya ee ka yimid Afmadow.
Kulankan ayaa lagu dajiyey qorshaha militari ee lagu doonayo magaalada Kismaayo in lagu qabto, waxayna Taliyaasha ciidamada Cirka ee wadamada Kenya iyo Ugandha soo bandhigeen habka dhanka cirka looga weerari karo xarumaha Al Shabaab ee Kismaayo, sidoo kale ciidamada Badda ayaa ayaguna soo gudbiyey qorshaha dhanka dekkada Kismaayo iyo xeebaha ku hareeraysan ah. Kulankan kadib ayey saraakiishan u amababaxeen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Ugu danbeyntii Kulankan labaad ee ka dhacay Addis Ababa ayaa lagu ansixiyey qorshaha dagaalka lagu qaadayo magaalada Kismaayo ayadoo shirkan kadib aan wax faah faahin ah laga siin saxaafadda go’aamada kama danbeysta ah ee isla qaateen saraakiisha AMISOM iyo Taliyayaasha wadamada ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com