Oadayaal Uu Ugu Horeeyo Xaad Oo Ka Baxay Shirkii Muqdisho
Soomaalinews.com 23 Jul 12, 12:32

Nabadoon Xasan Xaad iyo Odayaal Uu U Horeeyo Oo Goordhawayto Kabaxay Shirkii Odayaasha Dhaqanka Uga Socday Muqdisho Iyo Xaad Oo Ka Hadlay Sababta Keentay In Ay Iskaga Baxaan.

Nabadoon Xaad iyo Odayaal uu ku jiro ayaa goor-dhawayto ka soo baxay shirkii Odayaasha Dhaqanka uga soconayay Magaalda Muqdisho.

Xaad ayaa sheegay in ay shirka fadhiyeen muda gaadhaysa illaa iyo 80-cisho oo ay intaa u fadhiyeen in ay wax saxaan, xaad oo saxaafada la hadlay ayaa yidhi.

"Adeer waxaan shirka uga baxay sida aad ogtihiin waxa aanu shirka ku jirnay muda gaaraysa illaa iyo 80-cisho,Dastuurka waxaa ku jiray khaladaad fara badan,kadib markii aanu damacnay in aanu saxno waxa aanu u saarnay Gudiddi dhan 15-xubniid,maadaama aanu wada sixi karin khaladaadka oo aan awood intaa dhan u lahayn waxay gudiddaasi noo soo qoreen Qaladaad kooban oo ka mid ah kuwa ugu daran ee ku jiray Dastuurka ku waas oo aam faaiido ulahayn masiirka umada, in aan saxna iska daaye waxa naloo diiday ayuuyiri in aan ka baahino warbaahinta" xaad ayaa yiri.

Mar la waydiiyay Xaad waxa uu mudadaa dheer baaqiga ugu ahaa hadii ay arrintu sidan ahayd ayaa waxa uu ku jawaabay

"Adeer waxa aan intaas is lahan saxa waxa khaldan,laakiin waxa noo cadaatay in Odayaasha laga rabay oo kaliya in laga qaato sawir hase ahaatee aan laga rabin in ay wax qabtaan.Xaad oo hadalka sii wata ayaa waxa uu yiri markaa aniga waxa ay igula haboonaan wayday in aan meesha iska sii fadhiyo maadaama lagu bur-burinayo masiirka umada,

Xaad ayaa saxaafada u sheegay in uu isagu iskaga baxay shirkaa hada ka bacdina uusan waxba ku lahany waxa meeshaa ka yimaada ee khalad ah,sidoo kale ay jiraan Odayaal kale oo iyana aamin san waxaa aan aamin sanahay iskagana soo baxay shirkaa,

Xaad ayaa intaa ku daray in tii uu joogay in uu tacsidaynayo maadaama ay uu ahaa qalad iga dhacay ayuu yiri" Nabadoon Xaad.

Xaad ayaa hadalkii sii dheeraa ee uu kaga soo war bixiyay sababta keentay in uu ka baxo shirka ayaa waxa uu ku soo af-meeray Maaha Mid Lagu Aamini Karo Dalka Iyo Dalka Dastuur Kani. Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698