Taliska ciidamada AMISOM oo sheegay inay Xarakada Al-shabaab ka weerari doonaan Cir, Dhul iyo Badd.
Soomaalinews.com 23 Jul 12, 09:36

Taliska ciidanka AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sheegay inay dhinacyada cirka, dhulka iyo badda ka weerarayaan ciidamada Xarakada Al-shabaab oo dagaaal adag kala soo horkeeda ciidamada AMISOM, waxyana intaasi ku dareen taliska AMISOM in cid kasta oo ka hortimaada sida ay yiraahdeen soo celinta dowladnimada Soomaaliya ay dagaal adag la geli doonaan sida ay yiraahdeen.

Afhayeenka cusub ee ciidamada AMISOM oo u dhashay dalka Jabuuti ayaa sheegay xalay inay dagaalka ay kala soo horjeedaan Al-shabaab ay balaarin doonaan, isla markaasna ay ku soo dari doonaan dhinacyada cirka iyo badda, wuxuuna ka biyo diiday inuu faahfaahin ka bixiyo wararka sheegaya in diyaarado dagaal loogu deeqay ciidamada AMISOM, sidoo kalena ay dalka Soomaaliya soo gaareen cutubyo ka tirsan ciidamada Burundi oo loo soo tababaray inay dhinaca badda ka dagaalamaan, wuxuuna intaasi ku daray ku daray “Way jiraan ciidamo, laakiin ma doonayo inaan faahfaahiyo” ayuu yiri afhayeenka cusub oo intaasi ku daray in wax badan laga bedelay qaabkii ay cuiidamada markii hore u howlgeli jireen lana diyaariyey ciidamo isku gurmada.

Ugu danbeyntii Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay Ciidamada AMISOM ku taageeri doonaan diyaaradaha duuliye la aanta ah si ay uga qeyb qaataan dagaalada ay kula jiraan Xarakada alshabaab gudaha dalka Soomaaliya.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698