Ciidamada Amaanka Puntland ayaa saaka howlgalo ka wada Magaaladaasi kadib markii maalintii shalay qarax Miino lagu dhaawacay Taliyaha CID-da gobolka Mudug Warsame Yuusuf Axmed oo la dhashay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum C/laahi Yuusuf Axmed kaasoo lagu dawaynayo isbitaalka Magaaladaasi.
Sida wararku nagu soo gaarayaan waxaa saaka wadooyinka Magaalada lagu daadiyey ciidamo aad u fara badan oo howlgalo ka wada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxayna ciidamada baadi goob ugu jiraan dadkii ka dambeeyey qaraxii shalay lagu weeraray Taliyaha CID-a gobolkaasi.
Goob joogayaal ayaa sheegay inaysan jirin ilaa iyo hadda dad loo soo qabtay weerarkii qaraxa ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, iyadoona howlgalka saamayn ku yeeshay isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com