Maamulka gobolka Bakool dowladda KMG oo eedeyn u jeediyey Xarakada alshabaab.
Soomaalinews.com 23 Jul 12, 07:19

Maamulka gobolka Bakool ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa ku eedeeyey Xarakada alsahbaab inay xireen wadooyin fara badan oo gala Degmada Xudur ee gobolkaasi.

Maxamad Macalin Guddoomiyaha Degmada Xudur oo la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyey Xarakada alshabaab inay xireen wadooyinka soo gala Degmadaasi.

Wadooyinka ay xireen Xarakada alshabaab ayuu sheegay inay ka mid tahay Wadooyinka isku xira Rabdhuure, Baydhabo iyo Xudur, isagoo intaasi sii raaciyey in Ciidamada Xarakada alshabaab ay wadooyinka u galaan Gaadiidka Rakaabka ku sii jeeda gobolka Bakool ayna gubaan raashiinka Gargaarka sida uu hadalka u dhigay Guddoomiyaha Degmada Xudur ee dowladda KMG Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiyaha wuxuu sheegay inay ku guda jiraan sidii ay Xarakada alshabaab uga saari lahaayeen guud ahaan Gobolka Bakool.

Ugu danbeyntii Xarakada Alshabaab wax war ah kama soo bixin oo ku aadan eedeynta Dowladda KMG uga timid ee la xariirta xiritaanka Wadooyinka galka Degmooyinka gobolka Bakool.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698