Xarakada Al-shabaab ayaa shalay galab xukun dil ah waxay ku fuliyeen Sadax nin oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen jawaasiis la shaqeysa Hay’adaha Sirdoonka dalka Ingiriiska iyo CIA-da Mareykanka, kuwaas oo ay sheegeen inay ku lug lahaayeen dilal loo geystay saraakiil ka tirsan Xarakada Al-shabaab.
Al-shabaab ayaana ragan waxa ay ku toogteen goob fagaaro ah oo ku yaala magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose,waxaana ragan ay Shabaab toogteen ku eedeeyay in ay maleegeen kana dambeeyeen dilal qorsheesan oo lagu khaarijiyey hogaamiyaal ka tirsan Al-Shabaab iyo Al-Qaacida.
Goobta raggan lagu tooganayey oo aheyd goob Fagaaro ah oo Marka kutaal waxaa iskugu soo baxay Boqolaal dadweyne oo ku dhaqnaa Magaaladaasi kuwaa oo goob joog ka ahaa goobta dilka uu ka dhacayay laguna tooganayay Sadaxdan nin.
Qaaliga Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cabdul Xaq oo ka hadlay goobta ragan lagu tooganayay ayaa sheegay in Sedaxda nin ee la toogtay ay ku luglahaayeen shirqoolo qorshaysan oo ka dhan ahaa saraakiisha Al-Shabaab iyo Muhaajiriinta Shabaab la joogta oo katirsan Ururka Al-Qaacida.
raggan la dilay ayaa labo ka mid ah lagu eedeeyay in ay mas’uul ka ahaayeen, ayna qirteen inay ka dambeeyeen duqeyn lagu dilay hogaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Qaacida oo lagu magacaabi jiray Bilaal Alburjaawi, kaas oo ay diyaardaha dagaalka aan duuliyaha laheyn bam kula dhufteen deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho, iyadoo ragan sidoo kale lagu eedeeyay in qalabka lagu hagayey ee gaariga ugu xireen hogaamiyahan Al-Qaacida ka tirsanaa.
Waxaa sidoo kale ragan lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen duqeymo lagu Dilay Hogaamiyaal Ajnabi ah oo katirsan Al-Qaacida iyo kuwa Soomaali ah oo Shabaab katirsanaa oo lagu dilay Duqeymo ka dhacay Deegaanka KM-60, ragga la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Isxaaq Cumar Xasan, Nin magaciisa noolagu soo koobay Yaasiin iyo ninka sedexaad oo lagu eedeeyay inuu la shaqeenayey Sirdoonak Ingiriiska kana yimid Hargeysa laguna Magacaabi jiray Muqtaar Ibraahim Axmed.
Al-Shabaab waxa ay sheegeen Nin kamid ah Ragan ay toogteen inuu qirtay in uu la shaqeenayay Hay’ada Sirdoonka Ingiriiska ee M16, iyagoo sheegay in ninkan in xogaha Sirdoon uu u marsiin jiray Xafiis ay M16-ku leedahay magaalada Hargeysa.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com