Waxaa maanta markii saddexaad dib u dhacay Shirkii Ansixinta Dastuurka Cusub oo lagu waday in maanta uu ka furmo magaalada Muqdisho.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka Xukuumadda KMG C/kariin Xaaji Buux ayaa sheegay in Shirka maanta uu u baaqday sababo la xariira khilaaf wali ka dhex taagan Odayaasha Dhaqanka.
Wasiir ku xigeenka waxa uu sheegay in hadda ay is heystaa odayaasha Dhaqanka oo isku heysta boosaska Ergooyinka isqabsigaasina uu sababay in markii saddexaad maanta uu baaqdo Shirkaasi.
Sidoo kale C/kariin Xaaji Buur waxa uu sheegay inay soo dhamaystirmeen Ergada Ansixinta Dastuurka islamarkaana ay jiraan ergo dheeraad ah oo keentay khilaafka Odayaasha Dhaqanka.
Ugu danbeyntii maanta oo Isniin ah ayaa lagu waday in mar kale uu dhaco shirka Ansixinta Dastuurka, laakiin dib u dhacii saddexaad ayaa ku yimid kaasoo salka ku haya khilaafka Odayaasha Dhaqanka dhexdooda.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com