Magaalada baladweyne ee Xarunta Gobalka hiiraan maanta oo Axad waxaa garoonkeda ka degtay ilaa iyo laba diyaaradood oo waday ciidamo hor leh oo ka socday dalka Jabuuti kuwaasi oo haatan ka howlgala magaca ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM loo yaqaano.
Ciidamadan oo aan aheyn kuwii ugu horeeyay ayaan la sheegi karin cadadooda halka ay la egtahay waxaana sidoo kale ciidamada Dowlada Jabuuti ee Baladweyne gaaray la socday saraakiil AMISOM ah oo ay ku jiraan kuwa dalkoodii ka socday.
U jeedka ciidamadan maanta gaaray magaalada baladweyne ayaa waxaa ay tahay sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen dagaalka lagula jiro xarakada shabaab oo ka socda qeybo ka mid ah bartamaha dalka Soomaaliya wallow horey hogaanka AMISOM ay shaaciyeen in ciidamo hor leh ay gaarayaan Baladweyne.
Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada baladweyne ayaa si aad ah loogu soo dhaweeyay ciidamadan cusub ee ka socday dalka Jabuuti oo maanta ka degay Magaaladaasi waxaana xubnaha soo dhaweeyay ay isugu jireen Maamulka Gobalka Hiiraan ee Dowlada kan degmada iyo Bulshada qeybaheeda kala duwa. Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com