Qaraxyo laga digay in lagu weeraro Odayaasha Dhaqanka.
Soomaalinews.com 22 Jul 12, 13:44

Shir jaraaid oo maanta Magaalada Muqdisho uu ku qabtay Taliyaha ciidamada nabad sugida ee Gobalka Banaadir Khaliif Axmed ayaa waxaa uu sheegay in laga cabsi qabo in kooxda Shabaab ay qaraxo ka geystaan Magaalada Muqdisho gaar ahaana shirweynaha barito furmaya.

Taliyaha hayadda nabad sugida Gobalka Banaadir ayaa waxaa uu sheegay in shabaab ay wax kasta ka suuroobaan islamarkaana loogu baahan yahay dhamaan shacabka Soomaaaliyeed iney ka feejignaadaan weeraro is qarxin ah oo xarakada Alshabaab ay ka geystaan magaalada muqdisho gaar ahaana meelaha muhiimka ah sida Odayaasha Dhaqanka iyo Shirweynaha furmaya.

Khaliif Axmed ayaa wariyaasha u sheegay iney ka war heleen weeraro Argagaxiyo oo ay damacsan yihiin Alshabaab iney ku ha kiyaan shirka Odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ka socda iyo midka barito lagu wado inuu ka furmo Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Sidoo kale taliyaha waxaa uu tilmaamay iney diyaariyeen ciidamo gaar ah oo Booliis iyo nabad sugid isugu jira si ay ugu hor tagaan weerara is qarxinta ah oo xarakada shabaab la sheegayo iney damacsan yihiin iney ka geystaan meelaha shirarka muhiimka ah ay ka dhacayaan.

Xarakada Alshabaab oo dagaalo ka wada Koonfurta Soomaaliya ayaa mudo badan qaraxyo lagu hoobtey oo is qarxin ah waxaa ay ka fuliyeen meelaha muhiimka u ah Dowlada KMG ee Soomaaliya madax badan kaga geeriyootay. Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698