Dagaal Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Booliska iyo Militariga dowladda KMG.
Soomaalinews.com 22 Jul 12, 12:38

Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Booliska iyo kuwa Militariga dowladda KMG soomaaliya ayaa maanta ka dhacay Xaafada Tarabuunka Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inay ka dhasheen qasaare dhimasho iyo dhaawac.

Iska horimaadkaasi waxaa ku dhintay laba qof oo shacab ah, waxaa ku dhaawacmay shan qof oo ay ku jiraan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, qasaaraha ugu badana waxa uu ka dhashay gaari jiiray dadka shacabka ah.

Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG soomaaliya oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Ciidamada iska horimaadka bilaabay, una taxaabeen Xasbiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyntii Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya waxaa badanaa dhexmara iska horimaad taasoo qasaaraha ugu badan ka soo gaarta dadka shacabka ah oo ay dhexdooda ku dagaalamaan.




Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698