Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan gobolkaasi.
Ciidamada Itoobiya iyo kuwa ahlusunna Waljamaaca oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa waxay u dhaqaaqeen Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, iyagoona tuulooyin ku dhowdhow Degmadaasi dhaqdhaqaaqyo ka bilaabeen.
ciidamada Xarakada alshabaab ee maamula Degmada Ceelbuur ayaa waxay u soo dhaqaaqeen tuulooyin ku dhow Degmadaasi si ay uga hortagaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG ee la sheegay inay u soo dhaqaaqeen degmadaasi.
Dadka deegaanada ku dhow dhow Ceelbuur ayaa sheegay inay arkeen Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa ahlusunna Waljamaaca ka gudbeen Tuulooyin 25 KM u jirta Ceelbuur, iyagoona ku wajahan degmadaasi.
Ugu danbeyntii Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxa ay horay u sheegeen inay dib ula wareegi doonaan Degmada Ceelbuur iyo deegaanada kale ee ku dhowdhow.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com