Dowlada dalka Kenya ayaa balan qaaday in ay dadaal dheeraad ah u gali doonto sidii loo soodayn lahaa laba ruux oo kenyan ah,ahaana shaqaala gargaar una shaqaynayay hay’ad Swedish ah oo magaceeda la yiraahdo Swedish International Aid Services oo Todobaadkii hore lagu afduubtay Putland.
Bayaan ka soo baxay wasaarada arimaha dibada ee dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada ay la shaqaynayso dowlada KMG ee Soomaaliya sidii labadaasi qof ee kenyanka iyo dhaqtarka Soomaalida lagu siidayn lahaa si sharuud la’aan ah .
Bayaanka wasaarada arimaha dibada ayaa loogu xaqiijiyay dhamaan kenyanka iyo qaraabada dadka la afduubtay in ay dowlada samayn doonto wax waliba oo karaankeeda ah oo ku saabsan sidii loo siideeyn lahaa shaqaalahaasi kenyanka .
Wasaarada arimaha dibada ee dalka Kenya ayaa bayaankeeda ku canbaaraysay afduubkaasi loo gaystay shaqaalahaasi gargaarka .
Afduubka ayaa dowlada dalka kenya waxa ay ku tilmaamtay inuu yahay mid ay argagixisada ku doonayaan in ay ku maja xaabinayaan hay’adaha gargaarka ee ka howlgala gobolka geeska africa.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii laba qof oo kenyan ah ahaana shaqaale gargaar iyo dhaqtar Soomaali ah kooxo hubaysan ay ka afduubteen magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug.
Hay’ada ay u shaqaynayeen shaqaalahani ayaa sheegtay in ay wada hadalo kula jirto kooxa kala duwan oo ku sugan Kenya iyo Soomaaliya hasa yeeshee hay’adu waa ay diiday in ay shaaciso cida ay la hadlayaan iyo halka shaqaalaha lagu haysto.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com