Meelo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya oo lagu arkey Dhalashada bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa saaka laga wada sooman yahay guud ahaan dalka Soomaaliya marka laga reebo deegano yar oo aan laga soomin.
Bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa meelo kooban lagu arkay, waxaa ka mid ah Gobolka Bari iyo dhulka Somaliland, sidoo kale waxaa jirtay in laga arkay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaraan.
Wasiirka Garsoorka, diinta iyo awqaafta ayaa ka dhawaajiyay in maanta tahay maalin Ramadaan ah, dadkana ay soomaan, si ay uga faa’ideystaan faa’idada ay bisha leedahay.
Dhuusa Mareeb, Guriceel, Caabudwaaq, Xeraale iyo deegaanada kale ee Ahlu Sunna ka taliso ayaa saakay laga soomin kadib markii ay sheegeen inaan la arkin bilashada bisha Ramadaan, sidoo kale waxaa laga soomin saakay deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Galmudug oo khilaaf ka jiro
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com