Ramadaan Mubarak: Bisha Ramadaan oo Caawa laga arkay Wadamo fara badan oo Caalamka ah.
Soomaalinews.com 19 Jul 12, 18:26

Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa caawa laga arkay wadamo fara badan oo Caalamka ka mid ah, iyadoona maalinta bari ah la isku raacay inay tahay Maalin Ramadaan.

Dalalka laga arkay Bisha Ramadaan waxaa ka mid ah Boqortooyada Sacuudiga, Imaaraadka iyo dalal kale oo fara badan, waxaana la shaaciyey inay bari tahay Maalin Ramadaan.

Ramadaan Mubarak: Haddaba Maamulka iyo Shaqaalaha Soomaalinews.com waxay Ummadda Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan ugu bishaaraynayaan bilashada Bisha Ramadaan, waxaana alle uga rajaynaynaa in Sanadkan kiisa kale ku gaaraan Barwaaqo iyo Nabad galiyo waarta.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698