Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, dajire Augustine Mahiga ayaa ka hadlay eedeymaha loo soo jeediyay madaxda dowladda KMG ee la xiriira lunsashada hantida qaran, wuxuuna sheegay in warbixintan la horgeyn doono Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay maanta oo Khamiis ah, balse ay ka doodi doonaan bishan dhammaadeeda, isagoo Guddiga warbixinta soo diyaariyey ku sheegay inay yihiin kuwo madaxbannaan.
Suaal aheyd in dadka la eedeeyay uu ku jiro madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif oo lala xiriiriray burcad badeedda ayuu sheegay in madaxewynaha looga baahan yahay inuu iska difaaco eedeynta oo aysan ku fileyn oo keliya beenin.
“Madaxweynuhu waa inuu iska difaaco eedeyntan ka hor inta aan laga doodin bishan dhammaadkeeda, balse sida uu isku difaacayo aysan aheyn oo keliya inuu beeniyo arrintaas waase inuu la yimaado tallaabooyin cadcad oo la isku difaaci karo” ayuu yiri Mahiga, oo sidoo kale la weydiiyey sababta xilligan xasaasiga ah loogu soo beegay warbixinta ayaa waxa uu ku jawaabay in iyaga laftooda ay welwel ku heyso, balse kooxda soo diyaarisay warbixinta ay madax-bannaan tahay arrintanna ay muddo dheer ka soo shaqeynayeen, iyagana aan lagala soo xiriirin xilliga lagu soo beegayo.
Waxaa jira dad kale oo laga yaabo inay isku soo sharraxaan jagooyinka sarsare iyo xildhibaano cusub, dadka la dhaleeceeyayna waa inay iska difaacaan eedeynta ayuu yiri Mahiga oo la weydiiyay in eedeyntan ay saameyn ku yeelan karto xilliga kala guurka ah iyo murashaxnimada xubnaha la eedeeyay.
Madaxda dowladda KMG ah ay warbixintani ku eedeysay inay lunsadeen hanti fara badan oo caalamku uu ugu deeqay Soomaaliya, balse mas uuliyiinta dowladda KMG ah ayaa ku tilmaamay eedeyntaas mid aan jirin oo been abuur ah.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com