Xarakada Alshabaab oo lagu eedeeyey qarxyo ka dhacay Kenya.
Soomaalinews.com 19 Jul 12, 05:43

Qaraxyo ay ku dhinteen laba ruux sideed kalena ay ku dhaawacmeen ayaa waxaa ka dhacay Magaalada Wajeer ee Dalka Kenya, araxa ayaa la sheegay inuu ahaa Bamka gacanta laga tuuro oo lagu weeraray goob lagu caweeyo.

Qaraxyada ayaa lala eegtay goob maqaaxi ah oo ku taala magaalada Wajeer ee dalka Kenya, dadka dhintay ayaa waxay ahaayeen dadkii ku sugnaa maqaaxidaasi oo xiligaasi tamashleynayay.

Dhaawacyada dadkii qaraxaasi wax yeelaada ka so gaartay ayaa waxaa markiiba loola cararay isbitaal Magaalada Wajeer ee Dalka Kenya si xaaladooda Caafimaad wax looga qabto.

Saraakiisha Ciidamada Amaanka dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano xoogan oo ku aadan soo qabashada dadkii ka dambeeyey qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Wajeer, iyadoona xalay la xiray wadooyinka qaar markii qaraxa uu dhacay kadib.

Dowladda Kenya waxay ku eedeysay qaraxyadaasi inay ka dambeeyaan Xarakada alshabaab oo dagaalo kula jira ciidamada dalka Kenya oo gudaha u soo galay wadanka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii xalay ayay ahayd markii qarax qasaare loogu geystay dad u dhashay dalka Kenya ka dhacay Maqaaxi lagu cawaynayay Magaalada Wajeer ee Dalka Kenya.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698