Shir Madaxeedka Madaxda Midowga Afrika ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya, iyadoo gabagabadii kullankaasina lagu doortay Madax Cusub oo ururkaasi yeesho.
Waxaa ka qeyb galay shirkaasi Hogaamiyayaal ka kala socday Wadamada Afrika ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galay wafdi uu hoggaminayo Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed waxaana intii uu socday shirka kulamo gooni gooni uu Madaxweynahu la yeeshay mas’uuliyiintii ka qeyb galeysay shirkaasi.
Ugu danbeyntii Gabagabadii shirka ayaa waxaa lagu doortay hoggaamiye cusub oo ay yeeshaan Madaxda wadamada Africa iyadoona xilkaasi uu hoggaamiyaha hayndoono Muddo Afar sano ah. Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com