Xarakada Alshabaab ayaa shaaciyey qaraxii maanta lagu dilay Wasiirkii hore Ganacsiga xukuumadii Farmaajo haatana ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamanka KMG Soomaaliya Maxamuud Garweyne ayaa war ay soo saareen Madaxa Warfaafinta Xarakada alshabaab waxay ku sheegteen masuuliyada weerarkaasi.
Saraakiisha Xarakada Alshabaab ayaa sheegay in weerarkaasi uu u dhacay qaabkii ay ugu talagaleen, kaasoo ahaa inay ku dilaan Garweyne oo gaarigiisa lagu soo xiray waxyaabaha qarxa dhalia.
Dowladda KMG Soomaaliya oo marka qaraxa uu dhacay sheegtay inay ka hortagtay weerar ismiidaamin ah oo waxqasaare ah ka soo gaarin dowladda KMG ayaa warkaasi been noqday, markii gaariga laga helay meydka Wasiirkii hore Ganacsiga iyo ilaaladiisa.
Ugu danbeyntii waxaa kacsan xaalada Degmada Xamarweyne oo ah goobta qaraxa uu ka dhacay waxaana baaritaano ka wada goobtasi Ciidamada AMSIOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com