Wararka ka imaanaya Degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayaa goor dhow waxaa ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari Kaarib ah oo waxyaabaha qarxa ay ku rakibnaayeen.
Wararka waxay sheegayaan qaraxa in lagu weeraray Mid ka mid ah hoteelada ku yaala Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho, ilaa iyo haddana lama oga qasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo cida ka dambeysa.
Ciidamo kala duwan oo ka socda AMISOM iyo dowladda KMG ayaa waxa ay gaareen goobta qaraxa uu ka dhacay, xaaladuna waa mid aad u kacsan.
Wixii warar ah ee ku soo kordha warkan kala soco wararkeena xiga Insha Allaah.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com