Wiil iyo Aabihiis oo xalay lagu dilay Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Soomaalinews.com 16 Jul 12, 07:27

Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye aaya waxa ay sheegayaan in xalay kooxo hubaysan kuna labisan dareeska Ciidamada Militariga dowladda KMG ay laba ruux ku toogteen Suuqa Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Labada qof ee xalay lagu dilay Degmada Afgooye waxay ahaayeen wiil iyo Aabihiis, waxayna ku sugnaayeen xiligii la dilayay Goob Ganacsi ay ku lahaayeen Suuqa Degmada Afgooye, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ahaa oo warbaahinta la hadlay.

Kooxaha maleeshiyada ah waxay ka baxsadeen goobta iyagoo horay u sii qaatay ilaa 8 milyan oo shilinka somaliga ah, waxaana goobta soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG oo howlgalo caato ah ka sameeyey goobtaasi.

Ma jirto cid loo soo qabtay falkaasi xalay lagu dilay wiilkaasi iyo Aabihiis islamarkaana hantidooda lagu dhacay.

Dhanka kale Xildhibaan Maxamad Cumar Dalxa oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka kMG soomaaliya ayaa cambaareeyey falkaasi xalay lagu dilay wiilkaasi iyo Aabihiis Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698