Dagaal culus oo xalay ka dhacay deegaanka Ceelcirfiid ee gobolka Sh/dhexe.
Soomaalinews.com 16 Jul 12, 06:06

Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG, AMISOM oo isgarabsanaya iyo kuwa Xarakada alshabaab ayaa waxa uu xalay ka dhacay deegaanka Ceelcirfiid ee gobolka sh/dhexe.

Dagaalka inta uu socday waxaa ka dhashay qasaare Dhimasho iyo Dhaawacba leh oo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, dagaalkuna waxa uu ahaa mid xoogan oo muddo saacad ah socday.

Afhayeenka maamulka gobolka Sh/dhexe Daa’uud Xaaji Ciiro oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka warheleen is abaabul ay wadeen Ciidamada Xarakada alshabaab kana hortageen sida uu yiri.

Afhayeenka waxa uu sheegay inay dhanka alshabaab ka dileen 21 dagaal yahan, kana qabsadeen 19 qori oo noocyo kala duwan leh, howlgalkaasina ku guuleysteen Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya.

Ugu danbeyntii Xarakada alshabaab dagaaladaasi ka dhacay deegaanka Ceelcirfiid iyo hubka ay sheegtay dowladda KMG inay ka qabsadeen dagaal yahanada Xarakada Alshabaab.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698