Xildhibaan Daahir C/qaadir Ciiro oo ka tirsan Mudanayasha Barlamanka KMG garabka Madoobe Nuunoow oo la hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegey in manta ay kulan ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Ciiro ayaa tilmaamay in waayadii danbe kulamadii Barlamanku uu hakad galay balse ay haatan dib u bilaabayaan kalfadhiyadii ay isugu imaan jireen.
Xildhibaanka oo sii hadlay ayaa sheegey in mudaba ay ka dhul sugayeen dhinaca kale ee isla xildhibaanada ah ee taageersan Shariif Xasan kuwaasoo uu ku sheegay in ay ka shaqaynayeen khilaafka iyo dhibaateynta Dadka iyo dalka Soomaaliyeed laakiinse aysan sii fiirsan doonin waa siduu hadalka u dhigaye dhibaatooyinka ay faraha kula jiraan Garabka kale ee Barlamanka.
Daahir Ciiro ayaa sheegey in kulankooda manta ay uga hadlayaan arrimaha Roadmapka iyo sidii hore loogu wadi lahaa Hawlaha Barlamanka hor yaala oo muddooyinkii danbe uu hakadka ku yimid.
Xildhibaan Ciiro ayaa ku tilmaamay hawlaha iminka soconaya kuwo lagu marin habaabinayo Shacabka Soomaaliyeed sidaa darteedna aysan aqbali Karin waxa iminka soconaya iyaguna ka shaqayn doonaan sidii nidaamkii Dawladnimo loo soo celin lahaa.
Hadalkan ka soo yeeray Xildhibaan Daahir Cabdulqaadir Ciiro ayaa imaanaya xilli lagu hawlan yahay meel marinta dastuurka qaranka isla markaana muddadii Barlamanka ay ka harsan tahay wax ka yer Afartan Cisho.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com