Waqtiga la qabanayo Shirka Ansixinta Dastuurka oo la shaaciyey.
Soomaalinews.com 12 Jul 12, 18:07

Kaddib markii shaley dowladda KMG ah ay shaacisay in dib uu u dhacay shirka lagu ansixinaayo dastuurka Soomaaliya, ayaa waxa la shaaciyay dabayaaqada bishan uu si rasmi ah u furmi doono shirkaas.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa war ay soo saartay maanta oo khamiis ah, ku shaacisay in shirkaas la qaban doono 23-ka bishan, uuna ka dhici doono dugsiga tabbobarka ciidamada Booliska ee Genaral Kaahiye oo ku yaala degmadda Xamar Jajab.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha Cabdi Cali oo la hadlaayay Warbaahinta ayaa sheegay in shirka lagu waday in uu qabsoomo 10-ka bishan July, laakin cillad farsamo darteed uu dib u dhac ku yimid.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wali la dhemeystirin kaararkii aqoonsiga ee ergada ansixineysa dastuurka loo qeybin lahaa.

Waxaa wali soo baxaya warar sheegaya in uu wali khilaaf ka jiro ergada ansixineysa dastuurka Soomaaliya, iyadoo dowladda Madaxdeeda kulamo aan kala go’ alahayn ay wadaan, oo ku saabsan siddii loo ansixin lahaa dastuurka.

Magaalada Muqdisho, waxa hadda shir uu uga socdaan odayaasha dhaqanka ee la doonayo in ay soo ansixiyaan dastuurka Soomaaliya, waxana ay lee yihiin wax yaabo badan oo u baahan in la badalo ayaa ku jira dastuurka dalka uu yeelan doono.

Qaar kood waxa ay lee yihiin waxa aan nahay la heestayaal, waayo dowladda KMG ah waxa ay noogu goodisay in la ansixiyo dastuurka cusub.

Madaxweynaha, Raiisal wasaaraha iyo wakiilka gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya Qaramada Midoobey u qaabilsan waxa ay maalmahan kulamo goonigooni ah iyo kuwa kale ay la yeelanayeen odayaasha ku shiraya Muqdisho. Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698