Qarax ka dhacay Duleedka Degmada Afgooye.
Soomaalinews.com 12 Jul 12, 13:04

Kolonyo gaadiid dagaal oo ay la socdaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya ayaa qarax aad u xoogan lagula eegtay Duleedka Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Degmada Afgooye ayaa laga maqlay jugta qaraxa xoogan ee lala bartilmaameedsaday Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya, lamana oga qasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Waxaa la sheegay in qaraxyada ay ahaayeen laba qarax oo mid ka mid ah uu ka dhacay halka lagu magacaabo Bood Boodka, xiligaasoo ay goobta marayeen Gaadiidka gaashaaman Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya.

Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Xarakada Alshabaab iyo kuwa AMISOM oo ku saabsan qaraxyada labada ah ee ka dhacay duleedka Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose. Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698