Wararkii ugu danbeeyey Shir Albaabada u xirnaa oo xalay Madaxtooyada ku yeeshay Saddexda mas’uul ugu saraysa dowladda KMG.
Soomaalinews.com 12 Jul 12, 06:25

Sadaxda Mas’uul ee ugu sareysa Dowladda KMG Soomaaliya ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin ku yeeshay xarunta Villa Somalia, kaasoo ugu hadlayeen dib u dhaca shirka ku yimid shirka ansixinta dastuurka oo lagu balansanaa 12-ka bishan in uu qabsoomo, balse muran iyo Odayaasha dhaqanka oo aan weli soo gudbin liiska ergada ansixin laheyd.

Kulanka oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa looga dooday go’aanka dawlada ka soo saari karto dib u dhaca shirka iyo waxa ay kusoo kordhin karaan xaalada dib u dhac iyo diidmada odayaasha ay ka qabaan qodobada qaarkood, kuwaasoo ay ku doodayaan iney dhaawaceyso Diinta Islaamka.

Madaxweyne Shariif, Ra’iisul Wasaare C/weli Gaas iyo Shariif Xasan ayaa kulankan si wada jir ah ugu qeybgalay, waxayna isla gorfeeyeen caqabadaha hortaagan dib u dhaca shirka, diidmada odayaasha dhaqanka oo weli aan qaar soo gudbin liiska ergada laga sugayay iyo qodobo gaaraya ilaa 11 oo ay ku dhegan yihiin in wax laga badalo.

Go’aan cad oo shirkani kasoo baxay ayaan jirin, inkastoo Madaxda Dowladda ay ku kala aragti duwan yihiin go’aanka laga qaadan karo dib u dhaca iyo diidmada odayaasha ee ku aadan qodobada qaarkood.

Wax faah faahin ah lagama haayo kulankaasi waxyaabihii kasoo baxay, hase ahaatee waxaa macquul ah in Madaxda Dowladda ay soo saaraan warmurtiyeed ku aadan arrimahani dib u dhaca ah, diidmada odayaasha iyo go’aanka dowladda ay gaartay.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698