Dagaallo u dhaxeeya Ciidamada AMISOM, Dowladda KMG oo isku dhinac ah iyo kuwa Xarakada alshabaab ayaa xalay waxa uu ka dhacay duleedka Degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.
Ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa weerar lama filaan ah ku qaaday fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG soomaaliya, waxayna labada dhinac dagaalka isku adeegsaday hubka waa wayn iyo kan fudud oo laga maqlayay gudaha Degmada Balcad.
4 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ayaa ku geeriyooday iyadoo tiro intaasi ka sii badana ay ku dhaawacmeen dagaalkii xooganaa ee xalay dhinacyadaasi ku dhexmaray duleedka Degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.
Maamulka degmada Balcad iyo Xarakada Alshabaab wax war ah kama soo bixin oo ay uga hadlayaan dagaalada culus ee xalay dhinacyadaasi dhexmaray.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com