Afhayeenka cusub ciidanka AMISOM oo sheegay inay afgooye sii dhaafeen 30 KM.
Soomaalinews.com 12 Jul 12, 05:23

Afhayeenka Cusub Ciidamada AMISOM Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay dhaqdhaqaaq ciidan oo ay ku doonayaan inay gobolka Sh/hoose kula wareegaan ka wadaan deegaano hoos yimaada gobolkaasi.

Mr. Xaamud ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ilaa 30 KM ay sii dhaafeen Magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose sida uu sheegay, isagoo sheegay ujeedka looga dhigay Afhayeenka AMISOM ay tahay isagoo afka Somaliga ah kula hadli karo Shacabka Soomaaliyeed.

Afhayeenka cusub sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamo cusub oo ka socda dowladaha Jabuuti iyo Seralion ay soo gaarayaan magaalada Muqdisho maalmaha soo socda si loo kordhiyo tirada Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga.

Ciidamada AMISOM ayaa howlgalo ka wada gudaha dalka Soomaaliya iyagoo caawinaya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo dagaalo kula jira Xarakada alshabaab.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698