Nin si kas ah magaalada Kismaayo ugu dilay ruux rayid ah ayaa xad qisaas ah lagu fuliyey, iyadoo ay ka soo qeyb galeen boqolaal dadweyne ah oo isugu soo baxay fagaaraha Isbartiibo Weekiyo ee Magaalada Kismaayo.
Qaaliga Maxkamada islaamiga gobolada jubooyinka ayaa sheegay qaabka uu wax u dilay gacan ku dhiigle Ismaaciil Suleymaan oo si kas ah tooray ugu dilay Maxamuud C/raxmaan Sahal oo ka mid ahaa dadka shacabka ah ee ku noolaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose.
Baaritaan dheer oo ay samaysay maxkamada ayaa ogaatay inuu caafimaad qabo kadibna waxay isugu yeertay ehelada gacan ku dhiiglaha iyo Ehelada marxuumkii gardarada lagu dilay.
Ehelada marxuumka la dilay oo la hordhigay inay Diyo qaataan, Inay Cafiyaan iyo in loo qisaaso ayaa isku raacay in loo qisaaso Gacan ku dhiiglaha sida xaqdarada ah dilka u geystay.
Ugu danbeyntii ma ahan markii ugu horaysay Magaalooyinka gobolada Jubooyinka oo ay maamusho Xarakada Alshabaab ka dhacaan xukuno Qisaas ah.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com