Meydka wiil yar oo da’diisa lagu qiyaasay 10 jir oo labada gacmood iyo labada lugood ka xirxiran kaasoo qoorta laga jaray ayaa la soo dhigay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug.
Waxaa la sheegay in meydka wiilkaasi aadka u yar la soo dhigay inta u dhaxeysa Xafiiska Hay’ada WFP iyo Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo, waxaana goobta isugu soo baxay boqolaal dadweyne ah oo aad uga naxay muuqaalka wiilkaasi iyo sida loo gowracay.
Dadka Reer Gaalkacyo oo inta badan maqli jiray qof qoorta laga jaray ayaa si toos ah markii ugu horaysay u arkay wiil yar oo 10 jir ah qoortana laga jaray taasoo arrin layaab leh ku noqotay intii aragtay meydka wiilkaasi yarka ah.
Lama oga sababta rasmiga ah ee loo gowracay wiilkaasi yarka ah, sidoo kale ma jirto cid loo soo qabtay falkaasi lagu dilay wiilkaasi da’da yar.
Ugu danbeyntii waa markii ugu horaysay meydka wiil yar oo qoorta laga jaro la soo dhigo wadooyinka Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com