Ciidamada Itoobiya oo Wiil Rayid ah ku dilay Magaalada Baladweyne.
Soomaalinews.com 11 Jul 12, 14:09

Ciidamada Itoobiya waxay maanta bartamaha Magaalada Baladweyne ku toogteen wiil rayid ah oo ku xamaasha Gaari Dameer biyaha geeya xaafadaha Magaaladaasi.

Dilka Ciidamada Itoobiya maanta u geystay wiilkaasi rayidka ah ayaa ka mid ah dhibaateynta dadka shacabka Soomaaliyeed ay ku hayaan ciidamada Itoobiya ee soo galay Wadanka Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada itoobiya wiilka rayidka ah rasaas ku fureen marki ay ka shakiyeen inuu waxyaabo qarxa wata kana tirsan yahay Xarakada alshabaab.

Waxaa hubaal ah in wiilkaasi uu ahaa rayid magaalada si weyn looga yaqaan kaasoo ay si xaq daro ah u dileen ciidamada Itoobiya ee jooga Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698