3 ruux ayaa geeriyootay halka 5-kalana waa ay ku dhaawacmeen deegaano hoosyimaada degmada Bacaadwayn ee gobbolka Mudug.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaacmaya ayaa dhamaantooda ahaa dad xoola dhaqata ah oo ku nool deegaano hoos yimaada Baacadwayn.
Arintani ayaa waxa ka danbeyey kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday dadlka xoola dhaqatada ah.
Dhamaan dadka dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaal ku yaala Degmadda Cadaado ee gobolka galgaduud halkaasi oo lagu dawaynayo.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in arintani ay salka ku hayso anooyin qabiil oo mudo sanadaba kajiray deegaankaasi.
Dhawaan deegaanka ay waxyeeladu ka dhacday ayaa waxaa lagu gaaray heshiis nabadeed oo ay wada qaaten beeloo halkaasi ku dagaalamay.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com