Isimada Somaliland oo ugu baaqay maamulka inay sida ugu dhaqsiyaha badan xoriyadiisa dib ugu celiyaan Boqor Buur-madow.
Soomaalinews.com 09 Jul 12, 05:15

Isimada deegaanada Maamulka Somaliland ayaa ugu baaqay maamulkaasi inay sida ugu dhaqsiyaha badan dib xoriyadiisa ugu soo celiyaan Boqor Cismaan Buur Madow oo shalay Maxkamada Hargeysa ay ku xukuntay hal Sano oo Xarig ah.

Waxay sheegeen Isimadu eedeymaha loo heysto Boqor Buur-Madow ayaa la xariirta tuhum laga qabo in uu qeyb ka yahay waan waan uu ka dhex waday Koonfurta iyo Waqooyiga, waxaana uu ku tilmaamay arrintaasi mid ay maqleen hase yeeshee aysan cadeyn Karin.

Maxkamad ku taala Magaalada Hargeysa ayaa maalintii shalay xukun hal sano xabsi ah ku xukuntay Boqor Buur Madow oo ka mid ah salaadiinta sida weyn looga yaqaan deegaanada maamulka Somaliland.

Ugu danbeyntii Garsoorka maamulka Somalialnd ayaa ku eedeeyey Boqor Buurmadow inuu aflagaado uu u geystay mas’uuliyiinta Maamulkaasi, in kastoo ay jiraan warar kale oo la xariira eedeymaha loo heysto.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698