Dagaallo culus oo goordhaw ka qarxay Deegaano ka tirsan gobolada Bay iyo Gedo.
Soomaalinews.com 01 Jul 12, 10:00

Wararka naga soo gaaraya gobolada Bay iyo Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal culus goordhaw ka qarxay deegaan lagu magacaabo Qansax Oomane oo Koonfur kaga beegan Degmada Yurkut.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa waxaa la xaqiijiyey in labada dhinac isku adeegsanayaan hubka culus iyo midka fudud, kaasoo u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo ciidanka Xarakada alshabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay dagaalka ka bilowday kadib markii dhabaha ay u galeen ciidamada Xarakada alshabaab kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamada Itoobiya oo ka soo baxay Magaalada Baydhabo kuna sii jeeday Degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalada culus ee u dhaxeeya dhinacyadaasi, kaasoo wali si xowli ah uga socda degaanada uu ka qarxay.

Wixii ku soo kordha la soco Soomaalinews Insha Allaah.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698