Madaxweyne Shariif oo ka badbaday weerar lagu qaaday gaadiid uu la socday oo ka soo laabtay Degmada Balcad.
Soomaalinews.com 30 Jun 12, 18:30

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo booqasho ku tagay degmada Balcad ee gobolka sh/dhexe ayaa ka bad baday weerar lagu qaaday gaadiidkii uu la socday xili ay ku soo jeedeen Caasimada Magaalada Muqdisho.

Wararka waxay sheegayaan in Madaxweynaha booqashadiisa hore uu ku tagay degmada diyaarad, laakiin dib u soo laabashadiisa uu jecleystay inuu soo maro dhulka, isagoo soo raacay gaadiidka Qafalan ee Ciidamada AMISOM.

Ciidamo ka tirsan Xarakada alshabaab ayaa la sheegay inay wadada u galeen kolonyadii gaadiidka uu la socday Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, waxaana halkaasi ku dhexmaray dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Xarakada alshabaab iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya, iyadoo Madaxweyne shariif dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyntii Madaxweyne Shariif ayaa horay uga badbaaday isku day la doonayay in lagu dilo xili uu ka soo laabtay Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698