Madaxweyne Shariif oo gaaray Degmada Balcad gobolka Sh/dhexe.
Soomaalinews.com 30 Jun 12, 12:36

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta barqadii gaaray Degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe, halkaasoo dowladda KMG iyo AMISOM la wareegtay.

Mas’uuliyiinta uu hogaaminayo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey Degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe, socdaalkana ma ahan mid horay loo sii shaaciyey.

Amaanka Degmada Balcad ayaa la adkeeyey, iyadoo lagu wado in madaxweyne Shariif Sheekh Axmed kullamo la yeesho Saraakiisha ciidamada dowladda KMG, Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo Odayaasha dhaqanka Degmadaasi.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya C/weli Maxmad Cali Gaas ayaa todobaadkii la soo dhaafay booqday degmada Balcad isagoo sheegay in muddo 30 sano ah kadib ahayd markii ugu horaysay ee uu gaaro Degmadaasi.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698