Kooxo hubaysan oo dhac u geystay mid ka mid ah Shirkaddaha Xawaaladaha Muqdisho.
Soomaalinews.com 30 Jun 12, 11:29

Kooxo labisan dareeska Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa la sheegay inay maantay dhac u geysteen mid ka mid ah Shirkaddaha Xawaaladaha Magaalada Muqdisho.

Shirkaddaha Xawaalada Mustaqbal laanteeda Degmada Waabari ayaa la sheegay inay gudaha u galeen kooxo hubaysan oo labisan dareeska Ciidamada, waxayna ka qaateen lacago Doolar ah oo shirkadda taalay.

“Waxa saacada 10-kii iyo 30 barqonimo ee maanta kooxo wata gaari Rooneed ah oo afar nin kuna hubeysan qoryo oo wata dharka ciidamada Milatryga Dowladda ay dhaceen xawaalada Mustaqbal ee laanta VIA Laberia , waxan ay dhaceen 2,800 oo dollarka Mareekanka , kaddibna waxa ay la aadeen dhinac KM4 mana jirto cid loo soo qabtay” ayuu yiri taliyaha.

Ugu danbeyntii ma ahan markii ugu horaysay kooxo labisan dareeska Ciidamada ay dhacaan shirkaddaha Xawaaladaha Muqdisho.


Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698