Wararka naga soo gaaraya magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada Dowlada KMG ee soomaaliya ay baaritaano ka wadaan meelo ka mid ah magaaladaasi.
Ciidamo isugu jira booliis iyo Nabad sugid ayaa waxaa saaka lasoo dhoobay wada Isku xirta Garoonka diyaaraha Aadan cade iyo Xarunta Madaxtooyada Villa soomaaliya.
Howlgalkan oo saameeyay isu socodka gaadiidka iyo dad weynaha ayaa la ogeyn u jeedada ka danbeysay waxaana ciidamada ay baarayaan gaadiidka dad weynaha iyo dadka gaadiidka saaran oo mid mid loo baaraya.
Saraakiil ka tirsan Dowlada KMG ee soomaaliya oo wax laga weydiiyay howlgaladan ayaa waxaa ay ka gaabsadeen iney faafaahin ka bixyaan howlgalkan saaka waxaa uu ku saleysan yahay.
Lamana sheegi karo hadii ay howlgalkooda dad ay kusoo qabteen iyo in kale iyadoona aaney aheyn markii ugu horeysay oo ciidamada baaritaano ay ka sameeyaan muqdisho
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com