Masar oo sheegtay inay ka qayb galayso shirwaynaha looga hadlayo arimaha somaliya
Soomaalinews.com 30 Jun 12, 10:52

Dowladda wadanka Masar ayaa sheegtay inay ay ka qayb galayso shirwaynaha looga hadlayo arimaha somaliya ee ka furmaya dhawaan dalka Talyaaniga.

Masar ayaa shaacisay in ay wafdi u direyso shirka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo ee dhowaan la filayo in dalka Talyaaniga ay ku yeeshaan kooxda xiriirka caalamiga ee arrimaha Soomaaliya.


Arintani ayay Masar ku sheegtay bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi waxaana ay sidoo akle wacad ku martay masar inay ka qayb noqonayso dadaalada lagu doonayoxal u raadinta wadankasomaliya.


Masar ayaa shaacisay in wafdi heer sare ah ay shirkaasi u dirayso islamarkaana ay wafdigaasi hogaaminayso kaaliyaha Masar u qaabilsan Afrika, Muna Cumar ay shirka ka qeybgalayaan

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698