Ciidamo Jabuutiyaan ah oo la filayo inay maanta soo gaaraan Magaalada Muqdisho.
Soomaalinews.com 30 Jun 12, 06:52

Ciidamo ka socda dowladda Jabuuti ee ka mid ah kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la filayaa inay maanta ka soo dagaan garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ku biiri doonaan Ciidamada kale Jabuuti oo qeybta ka ah Ciidamada AMISOM, waxaana la sheegay in loo sii gudbinayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa 27-kii Bishan oo ku beegan maalinta xornimada Jabuuti sheegay in Ciidamo dheeraad ah uu u diri doono Magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in qeybta hore ciidankaasi maanta soo gaaraan Magaalada.

Ugu danbeyntii dowladda Jabuuti waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo gaaraya 800 Askari kuwaasoo qeyb ka ah Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698