Guddiga Madaxa banaan Dastuurka oo eedeeyey Beesha Caalamka.
Soomaalinews.com 25 Jun 12, 08:31

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka madaxa banaan ee Soomaaliya Cabdulaahi Xasan Jaamac oo warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay inay si weyn u ga shaqeeyeen dastuurka qabyo qoraalka dalka islamarkaana ay diyaar u yihiin inay bulshada Soomaaliyeed u bandhigaan.

Cabdulaahi Xasan jaamac ayaa ku eedeeyay wadamada caalamka iyo xukuumadda KMG Soomaaliya inay ka gaabiyeen howlaha lagu dhameestirayo dastuurka qabyo qoraalka dalka Soomaaliya

Guddoomiyha guddiga dastuurka madaxa banaan ee dalka ayaa waxa uu tilmaamay in iyaga oo doonaya in dastuurka ay usoo bandhigaan odayaasha dhaqanka iyo culumaa udiinka Soomaaliyed in madaxda dowladda ay kusoo wargeliyeen inay hakad galiyaan howshaasi iyaguna ay ugudbiyeen odayaasha dhaqanka.

Guddiga dastuurka madaxa banaan ayaa shaaciyay in dhameystirka qabyo qoraalka dastuurka loo gacan geliyay guddi farsamo oo lagu soo dhisay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Ugu dambeyn Cabdullaahi Xasan Jaamac ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashaadan midnimadooda iyo jiritaankooda taariiqiga ah islamarkaana ay joojiyaan khilaafaadyada tirada badan oo aan loo baahnayn ayna ku midoobaan dastuurka qabyo qoraalka Soomaaliya.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698