Dagaalo qasaare geystay oo ka dhacay gobolada Gedo iyo Bay.
Soomaalinews.com 25 Jun 12, 07:48

Dagaalo xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Xarakada Alshabaab iyo kuwa Itoobiya ayaa mar kale ka dhacay xalay Deegaan lagu magacaabo Kurtaale oo inta u dhaxeysa deegaanada Yurkut iyo Bardaale ee gobolada Bay iyo Gedo, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay dagaalo soo noqnoqday ka dhaceen.

Wararka ayaa sheegaya dagaalka oo ahaa mid xoogan sababay inay ku dhintaan 10 ruux oo dhinacyadii dagaalamay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo dagaalka ka hadlay ayaa sheegay inay iska caabiyeen ciidamada Xarakada alshabaab oo wadada u galay kolonyada gaadiidka Itoobiyaanka iyo kuwa Soomaalida.

Waxaa saaka dagan xaalada deegaanadii shalay iyo xalay lagu dagaalamay ee gobolada Bay iyo Gedo.

Ugu danbeyntii gobolada dalka waxaa ka dhaca dagaallo iyo duqeymo dhexmara ciidamada Dowladda KMG, Itoobiya, AMISOM oo isku dhinac ah iyo kuwa Xarakada alshabaab oo dhinac ah.



Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698