Ciidamo Ameerikaan ah oo gaaray Magaalada Muqdisho.
Soomaalinews.com 25 Jun 12, 06:51

Warar kala duwan oo maanta ka soo baxay Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde caga dhigatay diyaarad Militari oo sida in ka badan 390 Askari oo Mareykan ah kuwaasoo la sheegay inay tababar siinayaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG iyo AMISOM.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda KMG oo lagu magacaabo Cabdi wahaab Maxamad Cali ayaa sheegay in arrinkan ay xaqiiq tahay islamarkaana garoonka ka soo digtay diyaarad Militari oo ay saarnaayeen ciidamadaasi iyo Saraakiil kuwaasoo la sheegay inay saldhigyo ka samaysan doonaan Magaalada Muqdisho.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in Saraakiisha Ameerikaanka ah howlo kale oo qarsoodi ah u yimaadeen magaalada gaar ahaan si ay suaalo u weydiiyaan xubnaha lala xariirinayo Xarakada Alshabaab.

Ugu danbeyntii Mareykanka ayaa horay u beeniyey inay ciidamo ka joogaan Magaalada Muqdisho.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698