Qarax Khasaare geystay oo xalay ka dhacay Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya.
Soomaalinews.com 25 Jun 12, 05:28

Qarax Khasaare geystay ayaa xalay lagu weeraray goob lagu Maqaaxi ah oo xiligaasi laga daawanayay Ciyaartii Adkeyd ee dhex martay Xulalka Ingiriiska iyo Talyaaniga, waxaana la xaqiijiyey weerarkaasi inay ku dhinteen 5 ruux tiro kalena ku dhaawacmeen.

Ciidamada Amaanka Dalka Kenya ayaa saaka baaritaano ka wada Maqaaxidii xalay qaraxa lagu weeraray Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya.

Taliyaha Ciidamada Booliska Magaalada Mombasa Aggrey Adoli oo ka hadlay weerarkii xalay ayaa sheegay inay wadaan baaritaano la xariira sida ay u dhaceen qaraxyadaasi, isagoo intaasi raaciyey marka ay dhammaadaan howlgalada inay dib faahfaahinta ka sheegayaan.

Ugu danbeyntii Qaraxan ayaa imaanaya xili Dowladda Canada maalintii shalay warbixin ay soo saartay muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan dalka Kenya.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698